WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo farriin muhiim ah u diray Macallimiinta Soomaaliyeed

By xuseen waashitoon

November 21, 2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka Nofeembar.

Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, una soosaaraan jiilal ku gaashaaman waxbarasho tayo leh taas oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed.

“Waxaan munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed  hambalyo u dirayaa dhammaan bareyaasha Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa dadaalka joogtada ahaa ee ay ku bixiyeen Waxbarashada xilli aysan jirin dowlad ku garab istaagta, kana shaqaysa kor u qaadidda noloshooda, tayadooda iyo haqabtirka baahida waxbarasho.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay 4-tii sano ee la soo dhaafay dadaal ku bixisay tayaynta Waxbarashada iyo dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la hirgeliyey Manhaj iyo imtixaan Qaran oo mideysan, korna loo qaaday miisaaniyadda waxbarasha dalka.