WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo Amar siiyey Ciidamada Ammaanka Dowladda Somalia

By xuseen waashitoon

April 23, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si kulul u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee lagu qaaday masuuliyiin iyo muwaadiniin kale oo ka afurayey Xeebta Liido, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo qaraabada dhammaan muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkaa arxandarrada ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iyada oo lagu guda jiro tobankii danbe ee bisha barakaysan ee ramadaan ay qaraxan bahalnimada ah ee argagixisadu la beegsatay muwaadiniin Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan uu muujinayo ficillada gumaadka ah ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u bannaysteen dhiigga dadka muslimiinta ah ee soomman.

“Innaa Lillaali Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa ehelka iyo qaraabada muwaadiniinta ku geeriyootay qaraxii ay argagixisadu la beegsatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka afurayey xeebta Liido. Waxaan bogaadinayaa Ciidammada geesiyaasha ah ee ka hor tegey in ruuxii naftii halligaha ahaa uu gudaha u galo hotellada ku yaalla xeebta Liido, waxaana farayaa dhammaan Ciidamada Ammaanku in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, xilligan lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadaan oo ay argagixisadu beegsanayso shacabka muslimiinta ah ee cibaadaysanaya.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Muwaadiniinta ku geeriyooday qaraxa Alle uga baryey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, waxa uuna caafimaad degdeg ah u rajeeyey muwaadiniinta kale ee dhaawacu ka soo gaaray falkaas arxan darrada ah.

Ugu yaraan 4 Ruux oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah ayaa ku naf-waayay qaraxii Is-mniidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido, isla markaana waxaa ku dhaawacmay 8 qof oo ku jiro Taliyaha Saldhiga degmada Cabdicasiis Liibaan Shidane.