WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo iyo waftigiisa oo goordhow u duulay Jabuuti & Biixi oo ka horeeya.

By Abdi rashid

June 14, 2020

Muqdisho (HM)-Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaasoo uu maanta ka furmayo wada hadalada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Jabuuti iyo Dowladda Mareykanka oo door weyn ku leh.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa hal diyaarad u raacay Jabuuti, waxaana goor dhow diyaaradda ka kacday garoonka Diyaarada ee Magaalada xarunta ah ee Xamar.

Xubnaha Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb galaya wada hadalada ayaa waxaa ka mid ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Batroolka C/rashiid Maxamed Axmed, Wasiir kuxigeenka Dastuurka Xuseen Cabdi Cilmi, Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim iyo Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka.

Shirka ayaa u dhici doona dhowr qeybood, waxaana qeybta hore ee furitaanka ka wada qeyb geli doona Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iypo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, dowladda Mareykanka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Waa shirkii u horreeyay noociisa ee labada dhinac uga qeyb geli doonana wafuud culus, waana markii u horeysay oo dowladda Soomaaliya ugu qeyb geli doonto Wada hadalada Somaliland, iyadoo saddexda Mas’uul ugu sareysa dalka ka wada qeyb galayaan.

Horufadhi News

Sawirka koowaad Safarka Madaxweynaha @Horufadhi News
Sawirka labaad Safarka Madaxweynaha.@Horufadhi News