Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe waxaa ka socota Munaasibad lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo oo markii igu horeysay soo gaadhay deegaanada maamulka Puntland-Soomaaliya.
Madaxda maamulka Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas, Golayaasha kala duwan, maamulka Gobolka, kan degmada , Saraakiisha amniga , ururada Bulshada , Haween iyo iyo dadweyne kale ayaa halkan jooga.
Amniga ayaa la adkeeyay dhamaan magaalada, waxaana la sameeyay dhowr xarumood oo dadka lagu baarayo illaa garoonka dhexdiisa.
Dhallinyaro dharkii dhaqanka wata oo rag iyo dumar leh, ayaa iyagoo wata sawirka Madaxweynaha, calanka Soomaaliya iyo kan Puntland wata waxay ciyaaro dhaqan Ku ciyaarayaan qeyb ka mid ah Garoonka.
Soo dhoweynta aan loo kala harin waxyaabaha aan ka sheegi karo in ay kulmisay Kooxo heesa qaadaya iyo culimo xer ah oo Ku digrinaya, half saf oo dheer ayeey labo dhinac uga jiraan waxay ka simanyihiin soo dhoweynta, midna kankale u sheegi maayo inuu joojiyo waxa uu sameynayo.
Diyaarada Freedom oo wada Madaxweynaha ayaa hada cagaha dhulka dhigtay, waxaa diyaarsan kooxda salaanta, waxaa diyaarada hoosteeda Ku sugan Madaxweyne Gaas oo soo dhoweynaya Madaxweyne Farmaajo.