WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi oo si isku mid ah loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti-Sawiro

By Abdi rashid

June 14, 2020

Jigjiga (HM)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiir K/Xigeenka Dastuurka Xildhibaan Xuseen Cabdi Cilmi, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Garyaqaan Suleymaan Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaa wafdiga Madaxweynaha si habmaamuus sare leh ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Isla maanta halkaas kaga qeyb galaya wadahadallo walaaltinimo oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaheenna Soomaaliland, iyadoo gogosha wadahadalladan uu dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Dhinaca kale waxaa isla maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Dalka Jabuuti Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wafdiga Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti C/qaadir Kaamil Maxamed, iyadoo kulan gaar ah ku qaateen qeybta VIP-da garoonka diyaaradaha.

Madaxweynaha Somaliland ayaa loo galbiyay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti, halkaasoo uu ku qaabili doono Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa Isla maanta halkaas kaga qeyb galaya wadahadallo walaaltinimo oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaliland, iyadoo gogosha wadahadalladan uu dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in xal waara oo miro dhal ah laga gaadho tabashooyinka Soomaaliland, lana xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, is ogolaanshaha, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

Horufadhi News

Sawiro Qaabkii loo soo dhaweeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi. @Horufadhi News