Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Sidoo kale Madaxda maamul goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koofur Galbeed iyo Hir-Shabeelle ayaa gaaray magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Baydhabo, halkaasi oo la filayo inuu ka furmo shirka Golaha Amniga Qaranka.
Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed ay ka qeyb qaadanayaan howl galada lagu sugayo ammaanka magaalada Baydhabo.
Shirka Amniga Qaranka oo lagu waday inuu maanta furmo ayaa la sheegayaa in uu dib u dhacay, sababo ku aadan in aanay Madaxda waqti hore gaarin magaalada Baydhabo, shirka ayaa socon doona muddo labo maalmood, waxaana lagu wadaa in uu si rasmi ah u furmo maalinta berri ah.