HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Ahmed oo kulmay..

Addis (HM)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Labada Masuul ayaa kulankooda yeeshay saacado kadib markii uu soo dhamaaday Shirka 32aad ee ururka Midowga Afrika, kaasoo Axadii shalay furmay.

Farmaajo iyo Abiy ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Dowladood, si gaar ah waxey iskula soo qaadeen Amniga, dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo howlgalka AMISOM.

Warbaahinta dalka Itoobiya ee FANA ayaa ku warantay in labada hoggaamiye ay sidoo kale isla soo qaadeen sidii looga faa’ideysan lahaa horumarka qaarada Afrika.

Sidoo kale Farmaajo iyo Abiyo ayaa ay isla soo qaadeen Sarkaalka Itoobiyaanka ah Tigabu Yilma Wondimhunegn oo la wareegay Taliska Guud ee Howlgalka AMISOM, taasoo ah markii u horeysay ee Sarkaal Itoobiyaan ah uu qabto hogaanka AMISOM, waxeyna isla qaateen in wadajir looga shaqeeyo ciribtirka Shabaab

Madaxweyne Farmaajo khudbadii uu ka jeediyay shirkii 32-aad ee Ururka Midowga Afrika waxa uu ugu baaqay hoggaamiyaasha Afrika in lala yimaado siyaasad wax loogu qabanayo Barakacyaasha oo Soomaaliya si gaar ah ay u taabaneyso, iyadoo shirka uu fadhiyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey.

Exit mobile version