WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Erdogan oo Maanta wada-hadal la yeelanaya Putin & Zelenskyy

By xuseen waashitoon

January 04, 2023

Madaxweynaha dalka Turkiye,  Rajab Dayib Erdoğan ayaa waxa u qorsheysan inuu maanta oo Arbaco ah uu si kala gaar ah khadka Telefoonka kula hadlo Madaxweyne Vladimir Putin iyo Madaxweyne Volodymry Zelenskyy.

Sida laga soo xigtay Ibrahim Kalin oo ah Afhayeenka iyo La-Taliyaha Madaxweyne Erdoğan oo la hadlay Telefishinka NTV ayuu ku sheegay inuu Madaxweynaha kala hadli doono Madaxda dalalka Ruushka iyo Ukraine sidii xal nabadeed loogu gaari lahaa Dagaalka lagu riiqmay ee Ukraine.

Dhinaca kale, Afhayeenka Madaxtooyada Ruushka,  Dimitry Peskov oo la hadlay Wakaallada Wararka Interfax ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne Erdoğan iyo Putin maanta khadka Telefoonka kaga xaajoon doonaan xiriirka iyo danaha labada waddan, Colaada Ukraine iyo qoddobo kale.

Ma aha markii u horeysay ee uu Madaxweyne Erdoğan xiriir la sameeyo Putin iyo Zelenskyy, tan iyo markii ay Ciiddanka Ruushka duullaanka ku galeen dalka Ukraine bishii February 24-dii ee sanadkii hore ee 2022-ka.