WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Deni oo magacaabay Garsoorka Maxkamadda Sare ee Puntland

By xuseen waashitoon

October 26, 2022

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 75 ee 26-ka Oktoober 2022 kuna saabsan Magacaabida Maxkamadda Sare ee Puntland.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu magacaabay Garsoorka Maxkamadda dowlad Goboleedka Puntland, kuwaasi oo muddo xileedkoodu yahay 7-sanno.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay Xildhibaanada Maamulka kahor sheegay inuu si dhaqsi ah ugu soo magacayo Garsoorka Maxkamadda dowlad Goboleedka Puntland.

Hoos ka Akhriso magacaabista wareegtada

Markuu  arkey: Qodobka  80-aad   farqadda 18-aad, ee Dastuurka Puntland, kuna saabsan Awoodaha iyo Masuuliyadda Madaxweynaha, ee magacaabida Garsoorayaasha Madaxkamadda Sare.

Markuu arkey: Qodobka 90-aad farqadaha 1 iyo 2 ee Dastuurka Puntland,

kuna saabsan xubnaha Maxkamadda Sare.

Markuu arkey:  Qodobka 91-aad ee Dastuurka Puntland, kuna saabsan shuruudaha lagu noqon karo Garsoore Maxkamadda Sare.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

Waxuu xeeriyey

Qodobka  1-aad

Waxaa Mudanayaasha hoos ku xussan loo magacaabey Garsoorayal Maxkamadda Sare ee Puntland, mudda xileed 5 sana ah, sida uu qeexayo qod. 90-aad farqadda 3, ee Dastuurka Puntland.

1- Xassan Yuusuf Nuur                                Guddoomiye

2- Axmed Sheikh Cumar Xassan               Guddoomiye Ku-xigeen.

3- Saciid Axmed Faarax                                Garsoore.

4- Maxamuud Cawad Cumar                      Garsoore.

5- Saciid Maxamuud Maxamed               Garsoore.

6- Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi           Garsoore Kayd ah  .

7- Aadan  Axmed Moxamed                         Garsoore Kayd ah