WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Deni oo Maanta magacaabay Wasiiro cusub (Wareegto)

By xuseen waashitoon

December 29, 2021

Madaxweynaha dowlad Gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee December 29, 2021 kuna magacaabid Wasiiro, Wasiiru Dowleyaal iyo Wasiir ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha  Dowlad gobaleedka Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay:  Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda    shaqo.

Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland.

Markuu garawsaday:  Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday:  Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Wuxuu xeeriyay :

1-Waxaa Axmed Yuusuf Qahar loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Puntland.

2-Waxaa Rashiid Maxamuud Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland.

3-Waxaa Khadar Faarax Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeynta Puntland.

4-Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland.

5-Waxaa Cabdiraxmaan Cali Axmed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Puntland.

Xeerkani ayaa dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.