Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Deni oo la saftay Axmed Madoobe fariin Culusna u diray DFS

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi oo khudbad ka jeediyay Shirka Magaalada Muqdisho uga socda Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa ka hadlay xaaaladda guud ee dalka gaar ahaan midda siyaasadeed iyo Doorashooyinka oo muran xooggan uu ka taagan yahay.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shirka ka sheegay in Madaxda dowladda uu ugu baaqayo in Gobolka Gedo ay ka soo celiso Ciidamada ay geysay, si deegaannada maamulka Jubbaland ay uga dhacdo doorashada Baarlamaanka Federaalka, isla markaana ay u soo gudbiyaan Guddiga weli xaggooda ku maqan.

Dhinaca kalana waxa uu tilmaamay in Guddiga doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo muran uu ka taagan yahay, wuxuuna ku in Guddiga ay noqdaan mid ay u simanyihiin dhammaan dadka ka soo jeeda Somaliland.

Hadalka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland aysan weli soo gudbin Liiska guddiyadii ku meteli lahaa Doorashada.

Muran aad u xoogan ayaa xiligaan ka taagan Guddiyada doorashada ee  la magacaabay, waxaana Musharaxiinta Madaxweynaha ay Guddiyada ku tilmaameen inay ku jiraan xubno ka tirsan Hay’adda NISA iyo shaqaalaha dowladda.

Exit mobile version