WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Cagjar oo si kulul uga hadlay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab

By xuseen waashitoon

July 26, 2022

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjer ayaa ka hadlay dagaalka culus ee maalmahan Ciidanka Liyuu Boolis kula jiraan dagaalamayaasha Al-shabaab oo kasoo gudbay xadka Soomaaliya uu la wadaago DDS.

Madaxweye Mustafe Cagjar oo bartiisa gaarka ah ee Facebook kusoo qoray Qoraal kooban ayaa waxaa uu sheegay in Al-shabaab aysan marnaba khal-khal gelin karin ammaanka dowlad deegaanka Soomalida, isla markaana ay ka hortegayaan.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynaha shacabka uga mahadceliyay taageerada ay siinayaan Ciidanka gaarka ah ee dagaalka adeg kula jira Al-shabaab, kuna boggaadiyey sida ay u muujiyeen midnimo aan horay loo arag iyo garab istaag.

“Waxaan ku kalsoonahay in ammaanka deegaanka ayna sina ku khalkhalin karin argagixisada Al-Shabaab, cid kasta dabada ha ka riixdee. Halkani ma aha halkay moodeen!” ayuu yiri Madaxweyne Mustafa.

Si kastaba Al-shabaab iyo Ciidanka Liyuu Boolis ayaa maalmahan waxaa dagaalo xoogan ku dhexmareen deegaano ka tirsan DDS oo Shabaab ay ka gudbeen, waxaana dagaalada ka dhashay khasaaro lixaad leh oo dhinacyada kala gaaray.