WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Warbixin siiyay Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland

By xuseen waashitoon

May 23, 2022

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa xalay shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha Wasiirada Maamulka  Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyay safarkii dhawaan uu ku yimid Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka oo uu kaga soo qeybgalay doorashada Madaxweynaha JFS iyo xaalada guud ee dalka.

Dhankooda Golaha Wasiirada ayaa waxaa ay Madaxweynaha Warbixin ka siiyeen xaalada Guud ee degaannada Jubbaland, waxyaabaha u qabsoomay & qorshahooda xiga ee xilligaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirada inay dardar geliyaan Shaqooyinka ay u hayaan Bulshada kunool degaannada Jubbaland.