WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Axmed Karaash oo xilalkii ka qaaday Wasiiro ku dhow Saciid Deni

By xuseen waashitoon

May 05, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiiro ka tirsan Puntland oo aad ugu dhawaa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, isagoo magacaabay Wasiiro cusub.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Karaash ayaa waxaa xilalkii looga qaaday Wasiirada Arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan dhabancad, Maaliyada Xasan Shire Abgaal iyo Amniga Cabdisamad Maxamed Gallan.

Axmed Karaash ayaa Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland u magacaabay Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo), Wasiirka Amniga ayaa loo magacaabay Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin), halka C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland.

Wareegtada magacaabista ayaa u qorneyd sidaan:

Magacaabid Xubno Golaha Xukuumada Puntland

Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Puntland

MARKUU ARKAY: – Dastuurka Puntland Qodobkiisa 81-aad.

MARKUU ARKAY: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

MARKUU TIXGLIYEEY: Shaqada Baaxada weyn leh ee Shacabka Puntland Ka sugayaan Xukuumada.

WUXUU XEERIYEY:

MAGACAABID

1-Waxaa Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Puntland

2-Waxaa Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland

3-Waxaa C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo kusimaha Madaxweynuhu wuuna saxiixay.