Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa waxa uu saakayto sheegay inuusan ka baqaynin inuu wada-xaajood Nabadeed la yeesho Ruushka, si loo soo af-jaro Duullaanka ay Milliteriga Ruushka ku qabsanayaan dalkiisa.
Waxa uu tilmaamay inuu diyaar u yahay wada-hadal furan oo ku aadan suurtogalnimada inay Ukraine Dhexdhexaad ka noqoto loolanka Siyaasadeed ee Isbahaysiga NATO iyo Ruushka.
Waxa uu codsaday Ballanqaad dal 3-aad ee dhinaca Ammaanka dalkiisa ( insisted that his country needs third-party guarantees).
Balse, Madaxweynaha Ukraine ayaa waxa uu xusay inuusan dalkiisa haatan xubin ka ahayn Isbahaysiga NATO ( But we are not in NATO now – what security guarantees will we have?).
Madaxweynihii waxa uu ku eedeeyey dalalka Reer Galbeedka inay uga baxeen Taageeradii ay u muujiyey, isagoo xusay inuu la hadlay Hoggaamiyayaasha 27-ka dal ee xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe (EU), balse ay ku cidleeyeen ballankii Taageerada ee Dagaalka Raashiya.