WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Somaliland oo Maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub

By xuseen waashitoon

July 25, 2022

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Magaalada Hargeysa gaar ahaan qasriga madaxtooyada ku qaabilay safiirka midowga Yurub, Tiina Intelmann.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka, xoojinta xiriirka wada-shaqayneed ee Somaliland iyo midowga Yurub iyo arrimaha geeska Afrika.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka, Cabdinaasir Cumar Jaamac.