Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweynaha Somaliland oo kulan xasaasi la yeelanaya Uhuru Kenyatta

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa Maanta oo Isniin ah kulan Xasaasi ah ku yeelanaya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyanaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana kulankaas looga hadlayaa arrimo kala duwan.

Kulanaka ayaa looga hadlayaa xiriirka Somaliland iyo Kenya iyo sida loosii xoojin karo, waxaana la filayaan in dhinacyadu ku heshiiyaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Ganacsiga iyo duulimaadyada.

Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu kala hadlayo dhiggiisa Kenya sidii Diyaaradda Kenya Airweis ay duulimaad uga billaabi laheyd Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Kulanka labadaan mas’uul ayaa waxa uun ku soo aadayaa xilli uu meel xun marayo xiriirka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana Soomaaliya ay wadatashi ugu yeertay Safiirkii u fadhiyay Nairobi halka Safiirkii Kenya ee Muqdishana ugu baaqday in uu latashi ugu laabto dalkiisa.

Dhinaca kalana dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Kenya waxa ay u gudbisay Urur Gobaleedka IGAD, iyada oo xubnaha Urur Gobaleedka IGAD oo shir deg deg ah ku yeelanaya Jabuuti ay ka doodi doonaan dacwaddaan oo ay ku jirto fara-gelin Kenya ay ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Exit mobile version