Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Deni ayaa soo saaray amar culus oo ku socda Hay’addaha maamulkiisa iyo kuwa aan dowliga aheyn.
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Deni ayaa lagu amray hey’adaha iney qoraalada xafiisyada, Boorarka, shirarka iyo fariimaha bulshadda loo gudbinayo ku qoraan Af Soomaali, si loo hirgeliyo adeegsiga Af Soomaaliga.
Amarkan ayaa waxaa soo dhoweeyey dad badan oo ololeeya xoojinta afka Soomaaliga inkastoo amaro noocan ah oo horey uga soo baxay dowlada dhexe iyo qaar ka mid ah maamulada dalka uusan u fulin sidii loogu talo galay.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay waajib tahay dhaqan-gelinta sharciga Ilaalinta Af-Soomaaliga, isla markaana muhiim ay tahay in la fuliyo amarka lasoo saaray.
Hoos ka Akhriso Qoraalka lasoo saaray.