WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Puntland oo Maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe, xili khilaaf jiray

By xuseen waashitoon

May 31, 2022

Waxaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal gaaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo todobaadyadii la soo dhaafay ka maqnaa degaannada Maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, qaar kamid ah Xubnaha labada Golle ee Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada, waxaana ugu dambeyn la geeyay Xarunta Maamulka uu ku shaqeeyo ee Madaxtooyada.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii uu Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay tartankii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhaweyntiisa waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo saacadii la soo dhaafay la xaliyay khilaafkii kala dhaxeeyay.

Madaxweyne Deni ayaa Wararka la helay ay sheegayaan in uu qorsheeyay isbedelo uu ku sameeynayo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale ee Maamulka.