WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay Wakiilo ka socday Beesha Caalamka

By xuseen waashitoon

July 18, 2022

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga cusub ee Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafti ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador, James Swan.

Socdaalka ayaa waxaa Wakiilka Qaramada Midoobay ku wehliyey Madaxa ugu sareeya ee hay’adda UNFPA Soomaaliya Niyi Obuolape iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay  ee Puntland, Guy Griffin.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Abaaraha Puntland iyo guud ahaan  Soomaaliya, waxaa  si qoto-dheer loo dul-istaagey sidii Beesha Caalamku door muuqda uga qaadan lahayd ka  jawaabidda xaaladda abaarta iyo u gargaaridda shacabka abaartu saamaysay, Amaanka, dardargelinta Dimuqraadiyeynta iyo mashaariicda horumarineed ee hay’addaha caalamiga ah ka wadaan Puntland.

Waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey kalanka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Qorsheynta iyo xubno kale.