WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay wafdi Caalami ah oo gaaray Garoowe

By xuseen waashitoon

November 01, 2021

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa gaaray Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyagoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Peterschmitt ayaa looga hadlay mashaariicda hay’adda FAO ka wado Puntland iyo sidii loo sii laba jibaari lahaa gaar ahaan mashaariicda la xiriira Beeraha iyo Xoolaha.

Kulankaan  ayaa waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha Kulankan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA