Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Imaaradka Carabta ee Soomaaliya, Maxamed Axmed Cuthmaan, kaasi oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Kulanka dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Maxamed Axmed ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday xaaladihii ugu dambeeyay Arrimaha siyaasadda dalka iyo Qodobo kale oo ku aadan deegaannada Puntland.
Madaxwynaha Puntland ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka garab istaaga iyo gurmadka ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamulkaas.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Wakiilada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.