WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Puntland oo hadlay Qarax xoogan oo lagu dilay Nabaddoono caan ahaa

By xuseen waashitoon

February 20, 2022

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax xoogan oo miino nooca dhulka lagu aasay oo si gaar ah uga dhacay maqaayad ku taalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay laba nabaddoon oo lagu kala magacaabi jiray Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed, halka 6 qof kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo lala beegsaday Odayaal ku sugnaa Maqaayada.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle Ha’unaxariistee Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku geeriyooday oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si gaar ah tacsi ugu diray dhammaan ehelkoodii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen labada Nabadoon, wuxuuna sidoo kale Alle uga baryay inuu Caafimaad deg deg ah siiyo dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.