WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Masar oo Maanta booqanaya Jabuuti iyo ujeedkiisa oo…

By Xuseen Post

May 27, 2021

Madaxweynaha Dalka Masar Cabdifataax Al-siisii iyo wafdi uu hoggaaminaayo  ayaa maanta booqasho ku tegaya Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyada Jabuuti, sida la shaaciyay.

Afhayeenka Madaxtooyada Jabuuti oo la hadlay warbaaahinta ayaa u sheegay in Madaxweyne Al-siisii uu kusoo wajahan yahay dalkaas, isla markaana uu kulan la qaadan doono Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Jabuuti iyo Masar oo ku saleysan dhinacyo kala duwan oo qeyb ah horumarinta.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhiggiisa Cabdifitaax Al-siisii ayaa sigaar ah kulankooda diirada ugu saari doona ka arrimaha amniga, dhaqaalaha, horumarka Gobalka iyo xaaladda guud ee qaaradda Afrika.