WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray Magaalada Rooma iyo Xogta safarkiisa

By xuseen waashitoon

October 29, 2021

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa gaaray Magaalada Rooma, si uu uga qeybgalo shir madaxeedka G-20 ee looga hadlaayo arrimmaha canshuuraha oo ah ajeendaha ugu horeeya oo heer caalami ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale habeenka Axada ee soo socota u ambabixi doona Scotland, si uu uga qayb galo shirka cimilada ee Qaramada Midoobay.

Mr Biden waxa uu isku dayi doonaa in uu gudbiyo  fariinta ah in Maraykanku uu dib ugu soo laabtay dadaalka loogu jiro wax ka qabashada isbadalka cimilada, ka dib markii madaxweynihii ka horeeyay ee Donald Trump uu ka baxay heshiiskii cimilada ee Paris.

Safarkaan, ayaa ka dambeeyay kulan uu Madaxweynuhu la kulmay  xubnaha dimoqraadiga ,wuxuuna ka codsaday in la taageeraan qorshayaashiisa sharci eek u aadan ka qeybgalka labada shir madaxeed ee ka dhacay Rooma iyo Scotland.