WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha maamulka Puntland oo magacaabay Wasiiro & gudoomiye’yaal Gobol-Akhriso

By Abdi rashid

October 21, 2019

Garoowe  (HM)-Madaxweynaha mamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddoomiyaasha gobolada Bari iyo Gardafuu.

Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa loo magacaabay Cabdisamad Yuusuf Maxamed halka guddoomiyaha gobolka Gardafuu ayaa loo magacaabay Muuse Saalax Guuleed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu.

Guddoomiyaashan ayaa lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019.

Wareegto ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in uu tixgeliyay Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Puntland isla markaana uu ku magacaabay guddoomiyaashan aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo.

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Puntland Deni  ayaa magacaabay Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno:

B. Wasiiru-Dowleyaal:

  1. Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
  2. Waxaa Maxamed Xasan Ciise loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha.
  3. Waxaa Axmed Shire Siciid loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
  4. Waxaa Fardowso Cismaan Cigaal loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

T. Wasiir Ku-xigeeno :

  1. Waxaa Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta
  2. Waxaa Bashiir Jaamac Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
  3. Waxaa Cabdicasiis Maxamuud Macallin loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
  4. Waxaa Sucaad Saalax Nuur loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada.