WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo maanta kulamo la leh Madaxda ugu sareysa imaaraadka Carabta-Akhriso

By Abdi rashid

April 28, 2018

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu soo waramayaa inuu maanta magaalada Dubai ee xarunta dalka Imaaraadka kulamo kula qaadan doono qaar kamid ah madaxda ugu sarraysa dalkaasi.

Kulamadaan muhiimka ah ayaa waxaa looga hadlayaa mashaariicda horumarineed ee Imaaraadku uu kawado deegaamada Puntland iyo sidii uu Puntland uga hirgelin lahaa mashaariic kale oo qayb ka noqon doonta horumarka dalka.

Warar aan ka helnay madaxdooyda puntland ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland uu heshiisyo cusub la saxiixan doono madaxda dalkaasi, islamarkaana dowladda Imaaraadku ay mashaariic horleh ka hirgelin doonto deegaamada maamulka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland wuxuu goor sii horeysay la kulmay 5 kamid ah ganacsatada ugu waa weyn ee dalka Imaaraatka Carabta, ayna ka wada hadleen arrimaha ku saabsan sidii meelmar looga dhigi lahaa mashaariic laga fuliyo deegaanada Puntland oo ay ka mid yihiin maalgashi rasmi ah.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa u sheegay Ganacsatada in ay Puntland yaalaan fursado waa weyn oo ay tahay in ay ka faa’iideystaan dadka Puntland ayna ka helayaan shaqo abuur fiican, wuxuuna sheegay in fursadahaas ay u baahan yihiin in ficil loo bedelo, ayan soo dhaweynayso Xukuumadiisa cid kasta oo gacan ka geysanaysa.

Cabdiweli Gaas ayaa dhexda uga jira khilaaf xooggan oo u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo imaaraadka waxaana uu Gaas la safan yahay imaaraadka isaga oo sheegay in uusan marnaba ka maarmin imaradka hadana waxaa uu joogaa imaaraadka.