Dhuusamareeb (HM )-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye {Qoor-qoor} ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed {Lafta-gareen}.
Wafdigan ayaa ka Qayb geli doona Shirka maamul Goboleedyadda ee ka furmaya magaalada Dhuusamareeb maanta ah.
Waxaa sidoo kale la filayaa inay goor-dhow soo gaadhaan magaalada Dhuusamareeb Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Ciidamado ka tirsanaa Booliska DFS ee Haramcad ayaa maalintii shalay laga Sagootiyey magaalada Dhuusamareeb, kadib markii ay Cabsi ka muujiyeen Qaar kamid ah madaxda maamulada.
Waxaa magaalada sidoo kale Soo gaadhay Ciidamo Tiro badan iyo Gaadiid dagaal, kuwaasi oo la sheegay inay hor dhac u yihiin Qaar kamid ah Madaxda maamulada.
Horufadhi News