WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kusii jeeda Kismaayo iyo Xogta safarkiisa

By xuseen waashitoon

November 30, 2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ujeedka Madaxweyne Lafta-gareen ee Kismaayo ayaa waxaa uu yahay sidii ula kulmi lahaa dhiggiisa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, iyagoo ka wada arrinsan doona Arrimo kala duwan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in labada Madaxweyne Goboleed ay si gaar ah uga wada hadli doonaan Arrimaha doorashada gaar ahaan tan Golaha Shacabka oo si rasmi ah uga bilaabatay Muqdisho, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Sidoo kale Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe ayaa inta uu socdo kulankooda kusoo hadal qaadaya sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka abaaraha darran ku saameeyeen deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa haatan ka socota Garoonka Magaalada Kismaayo, iyadoona ammaanka Magaalada aad loo adkeeyey…