WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Jabuuti oo Maanta hortegaya Xildhibaanada labada Aqal ee dalka

By xuseen waashitoon

December 29, 2022

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ay Xarunta Villa Hargeysa ee ku dhex taalla Madaxooyada dalka ay ku yeelan doonaan kulan gaar ah oo Xildhibaanada la isugu yeeray.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay soo yimdi Muqdisho ayaa Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka u jeedin doona khudbad oo uu uga hadlayo arrimo kala duwan oo ku aadan xiriirka Somalia iyo Jabuuti iyo arrimo kale.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay loo diray farriimo wargelin ah oo loogu sheegayo inuu Maanta jiro kulan guud oo ay labada Aqal yeelan doonaan, isla markaana Xildhibaanada iyo Senatorada looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan.

Dhinaca ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad aad loo adkeeyay, waxaana xiran inta badan waddooyinka muhiimka ee ku yaalla caasimadda, iyadoo la dhigay Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda gaar ahaan Booliska.