WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

By Xuseen Post

May 22, 2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe  iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo ambabaxay Jowhar ayaa goor dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole iyo mas’uuliyiin kale, waxaana intaas kadib loo galbiyay dhinaca VIP-da Garoonka.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u yimid Caasimadda dalka ka qeyb galka Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee Maanta ka furmaya Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Xalane.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka