WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Baladweyne oo badan ugu dhinteen Qaraxyo

By xuseen waashitoon

October 06, 2022

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Calai Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaraha e Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyay  Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar  Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Masuuliin kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bulshada Magaalada Beledweyne uu la qeybsanayo dhibaatada iyo xanuunka kasoo gaaray qaraxyadii dhowaan ka dhacay Magaalada, isagoo u mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo door muuqa ka qaadatay caawinta dadka ku waxyeelabay weeraradaas ay geysteen.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Magalaada Beledweyne waxa uu kulamo  kala duwan oo looga hadlayo amniga la qaadan doonaa laamaha amniga Magaalada Beledweyne.

Magaalada Baladweyne gaar ahaan xerada lamagaalay ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana qaraxyada ku dhintay in ka badan 30 qof, halka 40 qof kalena ay ku dhaawacmeen.