WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Hirshabeelle oo fariin u diray Golihiisa Wasiirada, xili uu socdo qorshe…

By Xuseen Post

December 09, 2020

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada ee Maamulkaas oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe. Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay golaha Wasiirada Hirshabaelle yeeshaan tan iyo markii la doortay Madaxweyne Cali Guudlaawe bishii lasoo dhaafay ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan

Shirka Golaha Wasiirada ee maanta waxaa warbixino looga dhageystay siihayayaasha Wasiirada Wasaaradaha Arimaha Gudaha, Caafimaadka, Ganacsiga, Amniga Gudaha, Gargaarka, Waxbarashada iyo Gaadiidka, iyadoo shirka ay kasoo qeyb galeen inta badan Golaha Wasiirada Maamulkaas.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa Golaha Wasiirada faray inay sii dardar-geliyaan howlaha shaqo ee Maamulka, si loo gaaro arrimo kala duwan oo qorsheysan, isla markaana ay ka yihiin sugida amniga iyo horumarinta deegaanada maamulka.

Cali Guudlaawe ayaa markii la Caleemo-saaro laga doonayaa inuu soo magacaabo Golihiisa Wasiirada ee Hirshabeelle, hayeeshee waxaa weli taagan tabashooyin ka dhashay doorashadii ka dhacday Jowhar, iyadoona ay socdaan dadaalo lagu xalinayo arrintaas.