WARARKA SOOMAALI

MW Qoorqoor oo soo gudbiyey Musharaxiinta ku harsan ee Aqalka Sare

By xuseen waashitoon

November 10, 2021

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa soo saaray Liiska xubnihii ka dhimanaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo u tartami doona laba Kursi oo ka mid ah Kuraasta Aqalka sare.

Waxaana labada kursi dhawaan la guda gali doonaan doorashadooda,  waxaana ku tarmami doona mas’uuliyiinta  kala ah: Kursiga 1aad waxaa ku tartami doona Cabdi Xasan Cawaale ( Qayb-diid) iyo Cawil Nuur Cali.

Kursiga 2-aad ayaa waxaa ku tartami doona Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed, waxaana Madaxweyne Axmed Qoorqoor muddooyinkii dambe laga sugayey  inuu soo saaro Liiska Musharaxiinta.

Lama sheegin xiliga la qabanayo doorashada labadaan kursi ee ka dhimanaa Xubnaha Aqalka Sare ee Sideeda ahaa Deegaan Doorashadoodu tahay Galmudug.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Madaxweyne Qoorqoor.