Buuhoodle ( HM ) Madaxwaynihii Hore ee maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac Indhasheel , ayaa Geenyo Gudoonsiiyey Garaad Jaamac Garaad Cali, kadib Munaasibad ka dhacday magaalada Ceegaag oo lagu soo Afmeeray Safarkii Nabadda ee Beelaha Mattaanaha Hawd.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante, Geenyadan waxaad ka gudoontaa Dhulbahante oo dhan, Anigu waan bixinayaa uun, ee Xadhigeeda iga Qabo”. Ayuu yidhi Indhasheel.
Waxaa intaasi kadib Geenyadda Gudoomay Garaad Jaamac oo sheegay inuu hada Bilaabi doono Farda Fuulka.
“Madaxwayne waan gudoomay Geenyaddii, Wanaag iyo khayr baan ku gudoomay Cidkasta oo aad Wakiil uga Ahayd , Waxay noqonaysaa inaan hada anigoo da’daas ah barto Fardo Fuulka, Wixii ka yimaada halkaas adigaa Qabi doona, ee Geenyadda ha ii Gurya Keeno” Ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Cali.