Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxda Maamul Gobaleedyadda Soomaalia oo maanta wada tagaya Kismaayo iyo Shirkii oo dib u dhac ku yimid…

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxda saddexda maamul goboleed ee Puntland, Galmudug iyo Koofur Galbeed ay maanta ku wajahan yihiin magaalada, kaddib markii shalay ay ka baaqeen.

Sida ay sheegayaan wararka dib u dhaca ku yimid safarkoodii shalay ayaa lagu sababeeyay diyaarado la’aan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in culeysyo la saaray diyaaradaha ka qaadi lahaa xarumahooda.

Shirka oo la filayay inuu maanta oo Axad ah ka furmo Kismaayo ayaa dib u dhacay, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar, waxaana shirka uu u baaqday iyadoo aanay soo dhameystirmin madaxda maamul goboleedyada aan wali tagin Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare saaka xilli hore ay diyaarad ka qaadi doonto magaalada Muqdisho, waxaana horay Kismaayo ku sugnaa wafdi horu dhac ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa iyana lagu wadaa inay tagaan, iyadoo Maamulka Puntland uu horay u caddeeyay inuu shirkaas is buuxda uga qeyb geli doono.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa ku sugan Kismaayo, kaddib markii uu tagay maalintii jimcaha ee la soo dhaafay.

Shirka maamul goboleedyada ku yeelanayaan Kismaayo ayaa loo arkaa mid saameyn iyo culeysba ku ah dowladda Federaalka oo aan xilligan xiriir wanaagsan u dhaxeyn dowlad goboleedyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku baajineyso shirka Kismaayo iyo isbaheysiga laga yaabo inay sameystaan madaxda maamul goboleedyada

 

Exit mobile version