War-saxaafadeed ayaa laga soo saaray Shirkii Madaxda Urrur Goboleedka IGAD shalay ay ku yeesheen Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda dalka Jabuuti, kaas oo looga hadlay xaaladda Gobolka geeska Afrika.
War-saxaafadeedka kasoo saaray Shirkii Madaxda IGAD ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya gaar ahaan doorashada ka dhaceysa dhammaadka 2020/2021, xili weli uu muran taagan yahay.
Madaxda IGAD ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la fuliyo dhammaan heshiisyadii laga gaaray doorashada, ayna waqtigeedka lagu qabto, si aysan dib u dhac ugu imaan, maadaana laga heshiiyay.
Sidoo kale IGAD ayaa Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyosaamileyda siyaasadeed ugu baaqa inay xal u helaan khilaafka ka taagan Doorashada iyadoo loo marayo wadar-ogol iyo is-qancin.
Muran xoogan ayaa weli ka taagan doorashada dalka ka dhaceysa gaar ahaan Guddiyada la magacaabay, waxaana kasoo horjeeda Musharaxiinta Madaxweynaha iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Shirkii ay yeesheen Madaxda Urrur Goboleedka IGAD shalay ay yeesheen ayaa waxaa loo hadlay xaaladda Gobolka Tigree-ga iyo Dacwad ka dhan ah Kenya oo Urrurka ay gudbisay dowladda Federaalka Soomaaliya.