WARARKA SOOMAALI

Madaxda Golaha Wadatashiga oo Maanta la kulmaya Midowga Musharaxiinta

By xuseen waashitoon

January 09, 2022

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Maanta oo Axad ah galaya maalintii 6-aad, iyada Shirkaan looga hadlayo saxida waxyaabihii ka khalmaday doorashada iyo jaangoynta xiliga lasoo gaba-gabeeynayo doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Madaxda Golaha Wadatashiga ayaa Shirkooda waxaa ay Maanta kulan kula yeelan doonaan Midowga Musharaxiinta oo ay uga dhageysan doonaan mar kale cabashooyinka ay ka qabaan doorashada dalka.

Musharaxiinta ayaa Golaha Wadatashiga u gudbinaya cabashooyinka ay ka qabaan hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada, waxaana kulankaas Maanta ka qeyb galaya inta badan xubnaha Midowga oo ay ku jiraan Madaxdii hore ee dalka.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa la sheegay inay is afgarad ka gaareen Qodobada Shirka oo ay Wadatashi iyo fallanqeyn ku sameeyeen, waxaana la filayaa in dhawaan lasoo gaba-gabeeyo Shirkaas oo Natiijada kasoo bixi doonta la wada sugayo.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.