WARARKA SOOMAALI

Madaxda Dowladda iyo M/Gobaleedyada oo Shir Deg-deg ah yeelanaya, kadib…

By Xuseen Post

December 07, 2020

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Maanta daah-furay Shirka Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ayaa sheegay dhawaan in uu Safaro ku kala bixi doono maamul Gobaleedyada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shirka ayaa ka hadlay xaaladda Siyaasadeed ee dalka, Doorashada dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021, iyo saameynta Cudurka COVID-19 ku yeeshay Soomaaliya.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in maalmaha soo socda uu booqasho ku tegi doono magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb, uuna la kulmi doono Madaxda maamul Goabaleedyada.

Ujeedka ugu weyn ee Ra’iisul Wasaaraha uu ku tegayo maamuladaas ayaa waxaa uu ku sheegay inay sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ka jira Doorashada dalka ka dhaceysa iyo qorshaha ay ku dhici karto Doorasho qor  ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shir deg deg ah isugu yeeray Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyad oo ka dhacay Muqdisho, si looga wada hadlo tabashooyinka ka jira, waxaana hadalkaas uu kusoo aadayaa, iyadoo muran xoogan uu ka jiro Guddiyada Doorashada ee la magacaabay, ayna kasoo horjeedan Musharaxiinta.