Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxda Carabta oo ku kacay Trump markii uu damcay in uu Qudus u raro Safaaradda Mareykanka…

Hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa uga digay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu magaalada barakeysan ee Qudus u aqoonsado Caasimadda Israel.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqi doona in Qudus ay tahay Caasimadda Israel, sida ay sheegayaan Saraakiisha maamulkiisa.

Laakiin Saraakiisha Aqalka Cad ayaa sheegay in Mr Trump uusan si dhaqso ah u go’aansan doonin in safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv u soo raro magaalada Qudus.

Hase ahaatee Madaxda Carabta ayaa sheegay in tallaabadan ay keeni doono cawaaqib xumo, isla markaana dalalka Muslimiinta ay si adag uga fal celin doonaan hadii uu Trump u aqoonsado Qudus Caasimadda Israel.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa u sheegay in Madaxweyne Trump tallaabadan noocaan ah oo la qaado ka hor inta aan laga gaarin heshiis nabadeed oo kama dambeys ah arrintan ay dhalin karto falcelin ka timaada muslimiinta.

Dhinaca kale magaalada Istanbul ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay yeelan doonaan Madaxda Dalalka Islaamka, sida uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo isna si adag uga fal celiyay qorshaha Mareykanka ku doonayo in Qudus u aqoonsado Caasimadda Israel.

 

Exit mobile version