HORUFADHI MEDIA |

Madaxda Caalamka oo xidhiidh badan lasoo sameeyay Madaxweyne Farmaajo kadib Masuubadii Qaraxii Soobe

 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaallo tacsi ah waxaa soo gaarsiiyey hoggaamiyaasha qaar ka mid ah waddamada dariska iyo kuwa caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa taleefano kula soo hadlay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Boqorka Urdun Cabdalla Binu Xuseen, iyagoo u muujiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ula murugeysan yihiin.

Sidoo kale, waxaa dhambaallo tacsi ah u soo diray Madaxweynaha, Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdi Casiis, Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Binu Salmaan, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad iyo Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugan.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey madaxda la soo xiriirtay sida ay Soomaaliya ula qeyb-sanaayaan dareenkooda walaaltinimo iyo kan saaxiibtinimo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu u sheegay Madaxdii la soo xiriirtay, in dagaalka lagula jiro argagixisadu uu yahay mid caalami ah sidaas daraadeedna ay tahay in si wada jir ah loo wajaho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirtay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah, iyadoo hoos loo dhigay Calanka Soomaaliya, waxaa socda gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Sabtidii ka dhacay isgoyska Zoobe, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan labo boqol oo ruux.

Exit mobile version