WARARKA SOOMAALI

Madax hore oo Digniin culus kasoo saartay muddo kororsiga ay damacsan tahay DFS

By xuseen waashitoon

March 08, 2023

Madaxdii hore ee dalka Soomaaliya iyo xubno siyaasiyiin ayaa si kasoo horjeestay qorshaha ay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku doonayaan inay muddo kordhin hal sanno ugu sameeyaan hay’addaha dowladda.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen MW hore Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid, Cabdweli Gaas, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa waxaa ay uga digeen qorshaha socda ee lagu sameeynayo muddo kordhinta.

Sidoo kale waxa ay sharci ku tilmaameen qaadista tallaabadan oo ay xuseen inay ka hor imaaneyso Dastuurka KMG ah ee u yaalla dalka,  madaxdii hore ee dalka ayaa sidoo kale  bayaankan ku sheegay in aysan jirin baahi taagan oo loo qabo in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka oo ujeedadiisa tahay muddo kordhin.

Gaba-gabadii Madaxdii hore ee dalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta ayaa Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu arrintaan hagal daacinta ah uu ka badbaadiyo dadka iyo dalka.