WARARKA SOOMAALI

Madaafiic khasaaro dhalisay oo lagu garaacay Baraawe, xili ay socotay Doorasho

By xuseen waashitoon

February 09, 2022

Wararla aan ka heleyno Magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in tiro madaafiic ah lagu garaacay magaaladaasi gaar ahaan halka ay ku taalo Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Magaaladaas.

Madaafiicda ayaana wararku sheegayaan in ay ku dhaceen xaafado dad shacab degan yihiin oo ku yaala agagaarka Madaxtooytada Koonfur Galbeed ay ka socoto doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay madaafiicda lagu garaacay magaalada Baraawe halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale, kuwaa oo loola cararay xarumo caafimaad.

Madaafiicda lagu garaacay magaalada Baraawe ayaa abuuray xaalad cabsi iyo khalkhal, waxaana qeybo kamid ah dadkii deganaa Magaalada ku carareen guryaha dabaqyada iyo goobo kale si ay gabaad uga galaan madaafiicda.

Magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa Maanta ka bilaabatay doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, waxaana amniga maalmihii dambe uu ahaa mid kuĀ  la isku haleyn karo oo sugan.