Site icon HORUFADHI MEDIA |

Maamulka Soomaliland oo si kulul loogu cambaareeyay shirkii Afrika iyo Japaan

Laascanood (HM) –maamulka Somaliland ayaa eedeyn iyo cambaareyn culus la kulantay kadib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Yokahama ee dalalka Afrika iyo Japan.

Dowladda Mauritius oo qeyb ka aheyd shirkaasi ayaa maamulka Somaliland ku eedeysay inuu ku xadgudbay heshiiskii maxaabiista Burcadbadeedda Soomaalida.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Pravind Jugnauth oo si gaar ah ula kulmay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyey go’aanka ay Somaliland ku siideysay maxaabiistaasi oo ku xirnaa xabsi ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Maxaabiista oo gaarayey illaa 19 ayaa Somaaliland waxa ay sii deysay bishii hore ee July, kadib markii uu cafis u fidiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabddi.

Horay waxaa tallaabadaasi u cambaareysay Seychelles oo iyadu soo xukuntay maxaabiistani, looguna talagalay in ay xabsiga ku dhameystaan Hargeysa.

Seychelles ayaa sidoo kale maamulka Somaliland ku eedeysay inay jabisay heshiis dhexmaray dalalka dhaca Badweynta Hindiya, kaas oo ku aaddan habka loo wajahayo Burcadbadeedda.

Exit mobile version