Laascaanood (HM)-xubno ka tirsan maamulka Soomaliland gaar ahaan xubno ka socda Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid oo maalmahan ku sugnaa Kenya ayaa maanta waxaa ay kusoo laabteen magaalada Hargeysa waxaana ay sheegeen inay Kenya ka dalbadeen inay aqoonsato Baasaboorka Soomaliland iyo arrimo kale.