Site icon HORUFADHI MEDIA |

Maamulka Somaliland oo shaki galiyey Heshiiska Dekedda Berbera iyo Hanjabaadii Xuutiyiinta oo saameysay..

Maamulka cusub ee Somaliland ayaa shaki geliyay heshiis ay dowladii hore la gashay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ee ahaa in saldhig milatari ay isticmaalaan ciidamada Imaaraadka laga dhiso magaalada Berbera.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ku sheegay in aysan raali ka ahayn saldhigaas Milatari ayna wadahadalo cusub la galayaan dowlada Isutagga Imaaraadka Carabta.

“Annaga waxba kalama socono in qorshahuu yahay in weeraro loo adeegsado saldhigga Berbera kaasoo lagu qaado dalalka aynu jaarka nahay.”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland Sacad Shire.

Wasiirka ayaa intaa u daray inay kala hadli doonaan madaxda ugu sareysa ee dowlada Imaaraadka Carabta ayna heshiis cusub ay la saxiixan doonaan Imaaraadka,si buu yiri wasiirka looga hortago dhibaato kasta oo ay qorsheynayeen Imaaraadka inay ka fuliyaan dekada magaalada Berbera.

Hase yeeshee maamulkii uu madaxda ka ahaa Siilaanyo ayaa Saldhiga Berbera waxa uu ku wareejiyay Dowladda Imaaraadka oo halkaasi ka sameysatay saldhig aad u weyn oo ay ka howlgaleyso.

Maamulka Somaliland ayaa ka walaacsan jawaabta ka dhalan karta haddii Imaaraadka ciidamadiisu ay weerar ka qaadaan saldhigga Berbera dagaalka ay kula jiraan kooxda shiicada ah ee Xuutiyiinta oo maamusha inta badan wadanka Yemen.

Xuutiyiinta ayaa u digey Maamulka Somaliland iyagoo sheegay in ay gantaalo ku soo weerari doonaan magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Exit mobile version