Howlgal saacado badan qaatay ayaa ugu danbeeyay Caawa lagu soo afjaray weerar duhurnimadii Maanta Al-shabaab ku qaaday hotelka Tawakal ee ku yaalla magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa ku guuleystay inay dilaan saddex xubnood oo kamid ahaa Al-shabaab ee weeraray hotelka, kuwaasi oo saacado xariir ah la dagaalamayey Ciidanka ammaanka.
Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka oo markii hore ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray, iskuna qarxaiyey albaabka hotelka Tawakal.
Wasiirka amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo Caawa la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay weerarka ku dhinteen 9 qof, halka 47 qof kalena ay dhaawacmeen, la geeyay Isbitaalada magaalada oo lagu dabiibayo.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii dhacay, isla markaana tacsi u diray dadkii dhintay, wuxuuna Caafimaad u rajeeyay dadka dhaawacmay, sidoo kalena boggaadiyey Ciidanka howlgalka soo afjaray.