WARARKA SOOMAALI

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray Dhalinyaro Arrin xun ka wada Muqdisho

By xuseen waashitoon

November 16, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta shir gudoomiyay shirka Guddoomiyasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxaa looga hadlay kulanka la dagaalanka kooxaha ciyaal weerada iyo dhalinyarada isticmaasha mukhaadaraadka oo kusoo badanaya magaalada iyo dakhli Kordhinta Dowlada Hoose.

Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay mataaneynta Dowlada Hoose Muqdisho iyo Dowlada Hoose ee magaalada Kunya ee Dalka Turkiga.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay Shacabka kunool degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ay ka cabanayeen Dhalinyaro Ciyaal weero ah oo dadka dhibaateeynaya.