WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maamulka G/Banaadir iyo Itoobiya oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

By Xuseen Post

July 07, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ku qaabilay Danjiraha Dowladda Itoobiya ee dalka Soomaaliya Amb. Cabdifataax Cabdullaahi Xasan.

Kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidii loo mataaneyn lahaa Magaalooyinka Caasimahadaha ee Muqdisho iyo Addis Ababa.

Safiirka Itoobiya ee dalka Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi ayaa u sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in Addis Ababa ay dhawaan ka bilaaban doonto howlo dhulka lagu dhireynayo ay qeyb ka tahay Muqdisho dhireyntaas oo loogu deeqay dalalka Gobolka.

Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed ayaa Safiirka kala hadlay sidii loo mataaneyn lahaa Magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa, isla markaana loo horumarin lahaa goobaha biyo mareenada, xiliyada roobabka da’aan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Safiir Cabdifataax Cabdullaahi Xasan ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ka Codsaday in la siiyo dhul ay dhistaan oo ay doonayaan inay ku shaqeyso Xarunta Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, iyadoona Cumar Finish uu balan qaaday in Safaaradda dhul lasii doono.