WARARKA SOOMAALI

Maamulka G/Banaadir oo Jawaab culus ka bixiyey Eedii Wasaaradda Waxbarashada

By xuseen waashitoon

November 09, 2021

Waxaa sii  xoogeysanaya khiaafka dhanka awooda ah ee u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hoggaaminayo Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish).

War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Gobolka ayaa waxaa loogu jawaabay Wasaaradda Waxbarashada oo shalay sheegtay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka joojiyeen lacagaha ay ka qaadaan Iskuulada ku yaal Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu maamulo waxbarashada Gobolka sida ku xusan heshiiska dhexmaray Wasaaradda Waxbarashada & Maamulka Gobolka, kaas oo la saxiixay 9-kii Bishii Agoosto 2020 oo ay goob joog ka ahaayeen Garyqaanka Guud ee Dawladda Ra’isul Wasaaraha, hey’adaha kale ee heer Fedaraal & kuwa Maamulka Gobolka.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay faragelin toos ah ku heyso Waxbarashada Gobolka, isla markaana ay jebiyeen Dastuurka dalka. taasoo ka soo horjeedo nidaamka adeeg daadajinta, kala saarista awoodaha hey’adaha heer Fedaraal iyo heer maamul Goboleed iyo sidoo kale nidaamka Fadaraalaynta dalka.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Maamulka G/Banaadir